Deeq A. Posted March 24, 2020 (SLT-Garoowe)-Puntland ayaa amartay in laba toddobaad la xidho masaajidada Puntland si looga hortego cudurka coronavirus Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta maamulka Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxaa uu sheegay in la xidhayo dhammaan Masaajidada iyo dugsiyada quraanka lagu barto ee ku yaalla gobollada Puntland. Wuxuu ugu baaqay culimadda iyo macalimiinta dugsiyada quraanka inay dhaqangeliyaan amarka ka soo baxay wasaaradda oo ay albaabada isugu laabaan masaajidada iyo dugsiyada. Maamulka Puntland ayaa hore u fasaxday ardayda Dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha. Source Share this post Link to post Share on other sites