Deeq A. Posted March 24, 2020 Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay ka hortageen weeraro ay dgaalyahannada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka geystaan qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka war hayeen xogta weeraradaasi, islamarkaana inta aan la fulin ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay doonayeen in weeraradaasi ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in lala damacsanaa weeraradaan deegaanada Buur-Eyle, Walag iyo Xawaal Barbaar. “Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay soo wareeraan saldhigyo aynu ku leenahay deegaanno ay kamid tahay Buur Eeylo, dad shacab ah ayay ku dhibaateynayeen, waxaana ka qabsanay Xoolo ay dad kasoo qaadeen oo ay doonayeen in ay dad kale siiyaan, waxaana u celinay dadkii lahaa.” taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ay sare u qaadeen dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Taliyaha-qeybta-60aad.mp3 Share this post Link to post Share on other sites