Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar culus ka fuliyeen degaanka Jannaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in  ay saacadihii la soo dhaafay  weeraro kala duwan ka fulisay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa kuwaasi oo lagu bartil-maameedsaday Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degaankaas.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay qarax miino la beegsatay ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo marayay inta u dhexaysa degaanka Jannaale iyo Buufow  halkaasna ay ku dhinteen 7 askari oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday.

Sidoo kale Al-shabaab waxay tilmaantay in gaarigii qaraxa lala beegsaday uu gebi ahaanba burburay islamarkaana askartii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.

Dhinaca kale Al-shabaab waxay shaaciyeen in ay weerar culus oo duqeyn ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada Federaalka iyo AMISOM ee ku yaalla gudaha degaanka Jannaale halkaasna ay la beegsadeen in ka badan 40 madaafiic ah.

Duqeyntaas Al-shabaab waxay sheegtay in ay gebi ahaanba ku gubeen kaydkii hubka ciidamada iyo Teendhooyin u dhisnaa balse wax khasaare nafeed ah ma sheegin.

Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas sidoo kale Taliska ciidamada dowladda iyo AMISOM midna kama hadal sheegashadaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar culus ka fuliyeen degaanka Jannaale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this