Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo la sheegay in uu ka qeyb-geli doono Caleema-saarka Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo uu ka qeyb-geli doono caleema-saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo dhowaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Weriyaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo weriyay in guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor oo Gaalkacyo ku booqday Ex. Madaxweyne Xaaf uu ku soo qanciyay in uu ka qeyb-gelo caleema-saarka madaxweynaha cusub.

Weriyaashu waxay sheegayaan in aysan weli faahfaahin ka helin arrimaha lagu qanciyay Ex madaxweyne Xaaf iyo haddii uu jiro Heshiis laga gaaray khilaafkii labada dhinac ee doorashada ka dhashay balse waxay xaqiijiyeen in Xaaf uu ka qeyb-geli doono Caleema-saarka Qoor Qoor.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Guddoomiye Yuusuf Garaad Cumar oo qaban-qaabinaya xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo madaxweyne Xaaf ay isla soo qaadeen sheekooyin dhinacyo badan oo isu’gu jira dhacdooyin hore kuwa hadda taagan iyo Mustaqbalka Galmudug

Yuusuf Garaad ayaa maalmahaan socdaal la xariira caleema saarka madaxweynaha Galmudug ku marayay degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud isagoo la kulmayey bulshada qeybaheeda kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo la sheegay in uu ka qeyb-geli doono Caleema-saarka Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this