Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Caafimaadka oo gudoontey qalab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qalab Caafimaad oo isugu jira qeyba kala duwan sida sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka &Daryeelka Bulshada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya kusoo hagaajiyay Hey’adda Tawakal oo ay soo wakiisheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Germany, kuwaasi oo qalabkani ugu talo galay in looga faa’iideeyo bukaanada ku jira isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa qalabkan kala wareegay Hey’adda Tawakal waxeyna dhankooda kusii wareejiyeyn maamulka isbitaalka Banaadir si loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Hey’adda lasoo wakiishay ee Tawakal, Xasan Xuseen Rooble, ayaa sharaxay inta qeybood ee uu ka koobanyahay qalabkan.

Agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daaweynta, Dr Abdulkadir Wehliye, ayaa uga mahadceliyay dadkii soo dhiibay qalabkan iyo intii gacanta ka geystay, wuxuuna dhinaca kale jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa isbitaalada kala duwan ee bulshada loogu adeego.

90606428_2657537394369429_2468037170632327168_o.jpg?_nc_cat=106&_nc_sid=110474&_nc_oc=AQnpx5snpzp16xuf8h-7en1gGMnqZGpL77PEEUNOqVEfTesc0Fqw24p2ImH-NzfTC0A&_nc_ht=scontent-lht6-1.xx&_nc_tp=6&oh=9a48e2154fef4ef910f32b20fbac52a9&oe=5E9EAC33Image may contain: tree, sky, house and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this