Sign in to follow this  
Deeq A.

Ubaxa Itoobiya u dhoofiso Yurub oo la joojiyey+Yurub oo gubtay & Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ubaxa Itoobiya u dhoofiso Yurub oo istaagey+Yurub oo gubtay & Sababta

 

 

Caabuqa Covid-19 oo hadda dunida silsilaya ayaa si ba’an u saameeyay ubaxa beeralayda Itoobiya u dhoofiyaan qaaradda Yurub.

Beeralayda ayaa hakiyay ubaxa ay u dhoofiyaan Netherlands sababtoo ah in caabuqa Covid-19 oo saameeyay dalabyadii iman jiray. Samuel Gatechew, oo ah wariye u shaqeeya toddobaadlaha The Reporter Ethiopia, baa sheegay in hakinta dhoofinta ubaxu saamayn doonto shaqada 50,000 oo qof.

Jawar Maxamed, oo ka tirsan Oromo Federalist Congress, ayaa dowladda Itoobiya ku boorriyay unkidda siyaasad wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee ubax dhoofiyeyaasha.

WhatsApp-Image-2020-03-22-at-05.56.59.jpShirkadaha ubaxa ee Netherlands oo gubaya ubax la iibsan waayay

Dalka Itoobiya wuxuu lacag adag ka helaa ubaxa beeralaydu u dhoofiyaan qaaradda Yurub. Ubax tiro-badan oo la iibsan waayay bay shirkadaha Netherlands gubeen.

Beeralayda ubaxa Keenya baa sidoo kale la kufaakacaya hoos u dhac baahsan oo saameeyay dhoofinta ubaxa.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this