Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo DF ka taageerayo la dagaalanka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabduqaadir Axmed Kheyr wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, Mr Qin Jian.

Wasiiru dowlaha iyo danjiraha ayaa ugu horreyn ka wada hadlay arrimo ku aadan iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku hadal qaaday arrimo ku aadan dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyay laga helay dalka.

Kheyr oo madasha ka hadlay ayaa marka ka mahadceliyay taageerada kala duwan ee uu Shiinaha siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay tabarucaadda bani’aadannnimo ee ay hay’adaha Ma Yun iyo Alibaba ugu deeqeen wadamada qaaradda afrika Afrika.

Labad hay’adood ayaa dhowaan ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka ka hortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54-ka dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo.

Shiinaha ayaa  ka mid yahay dalalka uu sida daran uu sameeyey cudurka Coronavirus, inkastoo dowladda dalkaasi ay si weyn ula daagalanatay la tacaalidiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this