Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Puntland oo gacanta ku soo dhigtay rag ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Puntland ee loosoo gaabiyo PSF waxa ay soo bandhigtay Sawirro dad indhaha ka xiran oo ay sheegtay in ay kusoo qabteen howlgalo qorsheysay oo ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal baaritaan ah ka sameynayay Xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo waayihii dambe falal amni darro martigelisay.

Qoraal kasoo baxay Nabadsugidda Puntland waxaa lagu sheegay in shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab iyo Daacish in ay gacanta ku dhigeen, waxaana ay tilmaameen in lasoo qabtay iyaga oo ku sugan Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal lagu daabacay boogga ciidamada amaanka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu yiri sida tan:

“Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha  Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat”

Taliska PSF-ta waxa uu sheegeen in howlgalada ka socda Magaalada Boosaaso ay sii soconayaan illaa inta laga xasilinayo ammaanka lana soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

17-kii bishan ayaa sidan oo kale howlgallo ciidanka amaanka Puntland ay ka sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen shaqsiyaad ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ee iyagu ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland.

Wali ma jirto natiijo rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada aamaanka puntland oo ku aaddan howlgallada ay Boosaaso ka sameeyeen 17-bishan iyo xalay, howlgalladaasi oo kaliya y ku sheegeen in lagu qabtay rag looga shakiyay Al shabaab iyo Daacish.

Ururuka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat oo mararka qaar ay kuwada dagaalamaay dagaalamayaashaasi iyo ciidanka Puntland.

90373651_324167141874055_435447643870802 90502625_666675380800953_640826472660572 666.jpg 90584890_278616369810474_149537876344832 2-2-696x392-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this