Deeq A. Posted March 23, 2020 Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay is-rasaaseyn khasaaro geesatay ay ku dhax-martay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Is-rasaaseynta ayaa u dhexeysay ciidamada Canshuuraha qaado ee loo yaqaano Minishiibiyada iyo ciidamada saldhigga Booliska degmada howlwadaag ee G/Banaadir Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, iyadooma uu ku dhaawacmay mid kale, sida uu innoo xaqiijiyey qof goobjooge ah. Shaqaaqadan ayaa sidoo kale muddo hakad gelisay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka socday qaybta badarka ee suuqaasi, inkastoo markii dambe ay xaaladdu caadi ku soo laabatay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-onkod.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites