Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo howlgallo ka sameeyey xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka dalka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka  ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaano ku dhow xadka Soomaaliya.

Howlgallada ahaa kuwa qorsheyan ayaa u jeedkooda lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga, sidoo kalena looga hortagayo weerarada ka imaanaya dhanka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalladu ay saameeyeen dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka labada dal.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanadaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this