Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Maamulka Degmada Warsheekh oo Gacanta Ku Dhigay Rag Degmadaasi Ku Kufsaday Haweeneey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen rag la sheegay in fal kufsi ah ay xalay gudaha degmadaasi ugu geysteen haweeneey.

Cabdulaahi Raage Colow xoghayaha degmada Warsheekh oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in 2 nin oo falkaasi lagu soo eedeeyay ay haatan gacantooda ku jiraan islamarkaana ay ku wadaan baaritaano isaga oo xusay in ay marsiin doonan ciqaabta ay muteysteen.

Sidoo kale xoghayaha oo sii hadlay ayaa sheegay in ragga kufsiga geystay uu mid ka mid ah hubeysnaa, waxa uuna hoosta ka xariiqay in raggani ay yihiin maleeshiyaad hubeysan oo uu tilmaamay in maalmahaan ay dadka dhibaato ku hayeen ka maamul ahaana ay ka hortag wadeen.

Dhanka kala xoghaya Warsheekh ayaa ka dhawaajiyay in shacabka degmada ay ka gacan siiyeen sidii ay raggaan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, waxa uuna intaas ku daray in raggan kiiskooda loo wareejin doono heer maxkamadeed.

Bil ka hor ayey ahayd markii sidan oo kale rag hubeysan ay duleedka degmada Warsheekh ka geysteen dhac iyo kufsi, waxaana haatan dhaliil loo jeedinayaa laamahana amaanka ee degmadaasi.

Halkan ka dhageyso wareysiga

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Wareysi-Warsheikh-Abdullahii-Raage-Colow.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this