Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubeysan oo dil ka geysatay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil qorsheysnaa ay ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay agagaarka daarta Xaaji Gaabow ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa dowladda, gaar ahaan kuwa Haramcad, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka la dilay ayaaa waxaa lagu magacaabi jiray, Muraad Cabdulaahi Jibriil, kaas oo 23 jir ahaa, waxaana la sheegay inuu fadhiyey maqaayad ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxdii ka dambeysay falkaasi toogashada ah ay goobta isaga baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dhacdada kadib goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

 

Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this