Deeq A. Posted March 23, 2020 Qoraal kooban oo uu saaray safiirka dowladda Inigiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ben Fender ayuu ku sheegay in loo baahan yahay wadahadallo mira dhal ah oo haatan dhex-mara madaxda dowladda federaalka Soomaalaya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Ambassador Ben Fender ayaa xusay in wadahadallada labada dhinac ay muhiim u yihiin in tallaabo hor leh loo qaado barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalinta khilaafka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay horseedi karaan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xilligeeda la qabto iyo in si weyn la isaga kaashado cudurka khatarta badan ee Coronavirus. Ugu dambeyn safiirka dowladda Inigiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tallaabooyinka horay loo qaaday oo uu sheegay in haddii xilligeedo ay ku soo beegmaan ay wax badan oo hormar ah horseedi doonaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites