Deeq A. Posted March 23, 2020 Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadanka Kenya ayaa sheegay in dhammaan albaabada la’isugu dhuftay masaajidyada lagu cibaadeysto ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi. Sheekh Umal ayaa sabata ku sheegay cabsi laga qabo cudurka Corona oo kiisas la xariira laga helay dalkaasi Kenya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culimada go’aankooda markii hore uu ahaa in aan la xirin masaajidyada, balse uu soo baxay amar kale oo ka soo baxay dowladda kenya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Sh-Umul-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites