Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo xildhibaan ku toogtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah aya ka soo baxaya dil xalay gudaha Gaalkacyo loogu gyetsay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka ee waqooyiga magaaladaasi.

Xildhibaanka la toogtay oo dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Muqtaar Axmed Cumar (Tinle), iyadoona ay baxsadeen raggii dilay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka geysatay ay sidoo kale dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Saraakiisha Booliska ee waqooyiga Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeri ah, islamarkaana ay ku raad-joogaan dad la tuhmayo.

Ammaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalmihaan faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this