Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Xalay La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gaalkacyo)-Wararka aanu ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo.

Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xildhibaanka ku toogtay xili uu ku sugnaa agagaarka Xarunta Shirka Somnet ee ku taalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jidhkiisa.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana la sheegay in marka hore dhaawac Culus uu soo gaadhay, hayeeshee uu ku dhintay Cisbitaal la geeyay.

Sidoo kale raggii ka dambeeyay dilka Mukhtaar Axmed ayaa goob luuq ah kaga hortegay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, iyagoona rasaas furay, sidaasina Askariga uu dhaawac Culus uu kusoo gaadhay, waxaana durbo looga cararay goob Caafimaad.

Intaas kadib raggii falalkaas geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka lagu dilay Xildhibaanka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ee Magaalada Gaalkacyo, iyagoona sameeyay baadhitaano aan wax natiijio kasoo bixin.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro ah ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this