Deeq A. Posted March 23, 2020 (SLT-Tehran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaa diiday dalab ay Mareykanka u soo bandhigeen oo ahaa in Iran la siiyo kaalmo dhaqaale si gacan looga siiyo dagaalka ka dhanka ah caabuqa coronavirus. Khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeediyay, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku yahay “cadowga ugu xun ee Iiraan”. Waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in laga yaabo in Mareykanka ay wadaan shirqoolo taasi oo ay hore uga shanqadhiyeen saraakiisha Shiinaha oo sheegay in Maeykanka ay masuul ka yihiin cudurkan coronavirus . “Ma ogin inay jirto eedeeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?” ayuu yidhi. “Waxaa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus” ayuu intaa ku daray. Saraakiisha kale ee reer Iiraan ayaa waxay dhankooda ku eedeeyeen Mareykanka in uu wado munaafuqnnimo marka uu kaalmo u ballanqaadayo Iiraan, iyada oo uu diidayo in uu cunaqabataynta ka qaado Iiraan. Dalka Iiraan ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka tan iyo intii uu cudurka caalamka ka dilaacay. In ka badan 21,600 ayuu cudurkan soo ritay guud ahaan dalkaasi Iiraan. Tirada cudurka coronavirus ugu dhintay dalka Iiraan ayaa imika gaadhay 1,685. Balse waxaa laga walaacsan yahay in tirada cudurka u dhintay iyo inta uu soo ritay ay intaasi ka badan tahay. Waxaa dowldda Iiraan saaran cunaqabatayn taasi oo xaaladda si murjisay islamarkana daawooyiinka muhimka ma gaadhi karaan dalkasi. Source Share this post Link to post Share on other sites