Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war ka soo saartay dilkii loo geystay xildhibaan Muqtaar Tinle

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay dil xalay waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muqtaar Axmed Cumar (Tinle), iyadoona dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday.

Axmed Muuse Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in marxuumka uu sidoo kale ahaa ganacsade, islamarkaana ay dishay gacan ka xaq-daran.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan ku raad-joogaan raggii ka dambeeyey toogashada, islamarkaanawadaan baaritaano dheeri ah.

“Muqtaar waxa uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale waa Ganacsade, waxaa dishay Gacan ka xaq daran, waxaana dilkiisa ka dambeeyo dad caadeystay beegsiga dadka Bulshada wax u qabta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba-joogo oo aan ka quusan doonin soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ee hadda la raadinayo ay dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland.

Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this