Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan xiisada Itoobiya iyo Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo weli ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa markii horreysay ka hadlay xiisada webiga Nile ee u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Masar.

Cawad ayaa cadeeyey mowqifka dowladda federaaalka, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee dhexeeya labadaasi dal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in fursada kaliya ee u furay dowladda Soomaaliyeed ay tahay inay isku soo dhaweyso labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka oo sii hadlayey ayaa daboolka ka qaaday in marnaba Soomaaliya loo yeerin doonnin go’aankeeda, siduu hadalka u dhigay.

“Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo.” wasiir Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey wararka sheegaya in Soomaaliya ay saxiixday qaraarkii ka soo baxay shirka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray dowladda Masar, balse markii dambe ay ka laabatay, kadib cadaadis uga yimid Itoobiya, isagoona wasiirku dhamaan wararkaasi gaashaanka u daruuray, kuna tilmaamay kuwa waxba kama jiraan ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay shaacisay in dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaar siiyeen dhambaallo ay uga xun-yihiin qaraarkii Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray Masar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this