Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali ah oo uu ku dhacay CORONAVIRUS oo farriin u sida Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Humburg (Caasimada Online) – Dalka Jarmalka waxaa uu ka mid yahay dalalka ku yaal qaaradda Yurub ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee corona ee faraha ba’an ku haya dalal ka badan 150.

Dalkaas Jarmalkana waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaar ka mid ah la sheegayo in laga helay cudurka Corona. Waxaa dadkaas ka mid ah Maxamed Cabdi Jaamac, oo ku nool magaalada Hamburg ee waddankaas, oo ka hadlay wadada uu maray markii cudurkan lagu sheegayay.

“Isbitaalkii baan tagay dhacaan bay iga qaadeen kabacdi xaafadaan iska aaday oo annagaa ku soo wacayno ayey dhaheen, ileen jawaabta waxa ay qaadanaysaa 24 saacadood, marka waxyar bay kuu dhiibayaan guuntaad iska galinaysaa waad ku celinaysaa, annagaa ku soo wacayno ayey igu dhaheen oo numbar ayey iga qorteen, hadda dhaw bay isoo waceen oo cudurkii baad qabtaa bay igu dhaheen, laba todobaad waa inaad gurigaaga joogtaa oo aadan bixin,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay BBC-da.

Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay calaamadaha uu isku arkay ka hor inta uusan baaritaanka samayn: “Waxaan isku arkay riiraxyo iyo dhuunta oo i xanuunayso, kabacdi hergab inuu yahay baan aaminay, waxaan dareemay wareer, dhegaha oo i xanuunaya, labada dhafoor oo aad ii xanuunaya, tabar darro qufac iyo qandho aan jirkayga ka baxayn.” ayuu yiri Maxamed.

“Markasta waxaan dareemayay in waxan uu yahay wax hergab ka wayn ileen hergab weligay afar maalmood ka badan lama xanuunsan, marka waan dareemay waxan inay yihiin wax aan caadi ahayn sidaas darteed baana shaki igu jiray saddexdii maalmood ee ugu dambaysay shaki baa igu jiray sidaas ayaan keentay inaan dhakhtarka aado oo isa soo baaro.”

Wiilkan Soomaaliga ah ee ku nool dalka Jarmalka ee laga helay cudurka coronavirus ayaa waxa uu u walwalsan yahay Soomaalida kale ee uu ku arkay caalamadaha uu markii hore isku arkay ee misana aan isa soo baarayn.

“Dhibaatada jirta ayaa waxa ay tahay Soomaali badan oo magaalada Hamburg joogta oo gaaraysa 5 ilaa 6 oo maalmahaan xanuunsanaa wada xiriirnay, kuli inta aan dareemayo ayey dareemayaan qof rabo inuu isbaaro ma jirto, marka waxaan dhihi lahaa war heedhe ha la isa soo baaro oo qofka horta ha ogaado waxaan hayo Ilaah baa caafimaad hayee Alxamdullilaahi Rabil Caalamiinee, oo waa in qofka uu ku qanco wixii ku dhaco.” ayuu yiri Maxamed.

“Dad badan baan aqaanaa oo kow iyo laba iyo saddex midna aan ahayn oo magaalada ila joogo oo dhalinyara ah oo Soomaali ah oo isnaqaanno oo kuligood wada qandhan oo qufacaya, oo ku dhahayo calaamadahaas lagaa helay annagana waan dareemaynaa aanan rabinna inay isbitaalka aadaan.” ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Isha: BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this