Deeq A. Posted March 22, 2020 Taliyihii Saldhigga ciidamada Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu marayey wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye. Taliye Cabdiqaadir Cismaan Mursal (Nuunow) ayaa qaraxu haleelay xili uu marayey deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daya in taliyaha ay la geeriyoodeen sedex askari oo karirsanaa ilaaladiisa, kuwaas oo saarnaa gaariga taliyaha uu la socday ee qaraxa lagu xiray. Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo loogu geystaa ciidamada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites