Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaaqo xoogan oo ka dhacday duleedka Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa shaqaaqo maanta ka dhacday agagaarka suuqa xoolaha Xirga -Dheere ee magaalada Muqdisho.

Dhacadaan ayaa timid kadib markii ciidamo maleeshiyaad beeleed lagu sheegay ay weerareen sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo marayay halkaasi.

Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dad shacab ah, iyo mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee isna la sheegay inuu ku socdaalayey duleedka degmada Karaan ee gobolkaan Banaadir.

Cumar Muxudiin Xasan oo ah sarkaalka la weeraray ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen, isagoona beeniyey weerar been abuur ah oo laga faafiyey.

Inta badan degmada Karaan, gaar ahaan nawaaxigeeda ayaa waxaa ka dhaca iska hor imaadyo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso cod

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this