Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii saldhiga Afgooye oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Taliyihii booliska saldhiga degmada Afgooye ayaa lagu waramayaa in lagu dilay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Lafoole iyo Xaawa Cabdi.

Cabdiqaadir Cusmaan Nuunow ayaa la sheegay in meyd ahaan looga qaadey goobta uu falku ka dhacay.

Askar ilaalo u ahayd ayaa la xusay in ay waxyeelo kasoo gaareen weerarka, sidda sheegeen goobjoogeyaal.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinkaan oo kale looga bartay xarakada Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dilka marxuum Cabdiqaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this