Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Taliyihii booliska Afgooye iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Lafoole (Caasimada Online) – Qarax goor-dhow ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada booliska degmada Afgooye.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.

Lama oga cidda ka danbeysa dilka taliye Nunow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee inta badan qaraxyada ka dhaca aagaas ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaa.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this