Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si adag uga jawaabta hadal ka soo yeeray guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladdq Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo qoraal kooban soo saaray, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo maanta Warbaahinta la hadashay, ayaa labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ka dalbatay, in ay de-dejiyaan meel-marinta dib u-eegista Sharciga xisbiyada dalka.

Haddaba, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saacado kadib u jawaabay guddigaas, ayaa hadalkoooda ku tilmaamay tallaabo lagu fashilinayo gogosha wada-hadalka Garoowe ee Puntland fidisay.

Madaxweyne Deni , ayaa sheegay in tani ay tahay, tallaabadii labaad jid-gooyo loogu dhiganayo Shirka Garoowe, isagoo tallaabadii kowaadna ku sheegay war-saxaafadeedkii wasiirada Federaalka ay Garoowe ka soo saareen.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayuu yiri madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo si adag uga jawaabta hadal ka soo yeeray guddiga doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this