Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo dhaqaatiir iyo gaadiid geysay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta geysay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay dowladda federaalka ay dib u fasaxday muddo 2 cisho ah duulimaayada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojiyo qorshaha ballaaran ee looga hortagayo xanuunka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee la geeyey garoonka diyaaradaha ay la socon doonaan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka uu sida ba’an u saameeyey cudurka.

“Kalkaaliyayaal Caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah ayay Wasaaradda Caafimaadka geysay garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay ugaliso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey wadamada ay isha ku heyn doonto, kuwaas oo kala Shiinaha, dalalka Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Iiraan, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday qorshe guud oo looga hortagayo caabuqa Corona oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

Dhaqaatiir-696x522 GAWAARI

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this