Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo sagootisay saraakiil ka baxaysa dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa abaal marino kala duwan guddoonsiiyey saraakiil Booliis ah oo muddo sanad ah ka howlgalayey Soomaaliya.

Saraakiishaan oo uu dhammaaday howlgalka ay u joogeen Soomaaliya ayaa ka soo kala jeeda wadamada Kenya, Ghana, Zambia iyo Sierra Leone, waxaana munaasabad sagootin ah oo magaalada Muqdisho loogu qabtay lagu guddoonsiiyay bilado iyo shahaadooyin.

Taliyaha ciidamada Booliska ee AMISOM general Augustine Magnus Kailie oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa sheegay in saraakiishaAn ay shaqo wanaag soo bandhigeen mudDadii ay joogeen Soomaaliya, islamarkaana ay khibradooda ugu adeegeen dadka Soomaaliyeed.

 

AMISOM ayaa saraakiil Boolis ah inta badan ka keenta dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo tababaro siiya kuwa Booliiska Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaateen AMISOM ayaa hadda u diyaar garoobeysa in ciidamadeeda guud ahaan Soomaaliya ay ka baxaan sanadka soo socda ,kadib qaraar qeexayey ka bixitaanka AMISOM oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sii saaray sanadkii 2018-kii

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this