Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yareey oo soo saartey go’aan ku saabsan doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa golaha shacabka ay kaga dalbadeen in ay dedejiyaan sharciyada laga doonayo iyo sidoo kale habraacyada, waxaana si gaara loo tilmamay golaha isku dhafka ah ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Ugu horeyn guddiga waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinga ee la meel mariyay islamarkaana uu madaxweynuhu saxiixay, waxaana arrinkaasi ay ku tilmaameen arrin taariikhi ah.

Sidoo kale guddiga ayaa golaha sharci dejinta ka dalbaday in ay dadejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga xisbiyada oo haatan horyaalla goalaha shacabka, si bey yiraahdeen ay xisbiyadu ugu gudbaan xibiyo rasmi ah oo sharciyad u leh in ay ka qeyb galaan doorashada 2020/2021.

Dhinaca kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxa ay golaha isku dhafka ah ee sugidda amniga doorashooyinka  ka codsadeen in ay diyaariyaan qorshayaasha muhiimka u ah sugidda amniga  goobaha diiwaangalinta iyo codbixinta ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana ay sidoo kale u mahad celiyeen hay’adda qaramada midoobay, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka

90507781_513888966170089_882127499958000

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this