Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal ballaaran oo laga sameeyey Wadajir+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya xalay ay ka sameeyeen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa ka dhacay waaxda Xalane ee degmadaasi, iyadoona lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in dhalinyarada la’isugu geeyey goob, baaris kadibna la sii daayey qaarkood, halka kuwa laga shakiyey la xiray.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa horkacayey howlgalka, iyaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga.

Maalmihii ugu dambeeyey, gaar ahaan xiliiyada habeenkii ah ayaa waxaa degmada Wadajir ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo cabasho ay ka muujinayeen dadka deegaanka.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

1-26 2-24 3-13 4-3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this