Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo soo dhaweysay booqashada Deni ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay, Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal kooban uu soo saaray waxaa lagu soo dhoweeyey qorshaha madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu ku imaanayo gudaha magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si weyn u boggaadineyso in madaxweyne Deni uu yimaado Muqdisho, si uu wadahadallo ula yeesho madaxda ugu sarreysa ee dalka.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in wafdigii dowladda federaalka ku matalay shirkii wadatashiga Puntland ee Garoowe lagu qabtay ay qeyb libaax leh ka qaateen booqashada la qorsheynayo in madaxweynaha maamulkaasi uu Muqdisho ku yimaado.

Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyey muran siyaasadeed oo salka ku haya bixinta Shahaadooyinka Qaranka ee dugsiga sare, walow xubno Puntland ka soo jeeda oo ka tirsan dowladda federaalka ay horay u sheegeen in murankaasi laga gaaray heshiis hordhac ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this