Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay sababta loo fulin waayay Heshiiskii DP World?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SAAB, ayaa faahfaahin ka bixiyay caqabadaha keenay, in uusan sidii la rabay u fulin Heshiiska DP World ee dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in caqabadaha uu la fuliwaayay Heshiiska dekedda Boosaaso ay isu’gu jiraan kuwa laga garaabi karo iyo kuwa aan laga garaabin Karin oo hor-istaagay in uu si rasmiya u fulo Heshiiskaasi DP World.

Caqabadda laga garaabi karo ee dib u dhigtay fulinta Heshiiska, ayaa madaxweyne Deni ku tilmaamay dilkii Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxa P&O u qaabilsanaa dekedda Boosaaso, kaasi oo 4-February-2019 lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso.

Mudane Deni, ayaa sheegay in dilka sarkaalkaas uusan ahayn fal argagixiso oo keliya, balse uu ahaa qorshe lagu curyaaminayey hormarinta iyo dib u casriyeynta dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, islamarkaana dilkiisu uu sumcad-xumo u keenay hormarinta iyo maal-geshiga Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay waddo dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo fulin lahaa Heshiiska DP World ee dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso, isagoo ballan-qaaday  in dhowaan isbeddel muuqda laga arki doono dekedda Boosaaso.

Dekedda Boosaaso, waxaa gacanta ku haysa shirkadda DP World kadib markii ay heshiis kula wareegtay 6-bishii April-2017, islamarkaana uu Baarlamanka Puntland ansixiyay 27-kii bishii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sannadood ah maamusho dekedda.

Nuxurka heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World, ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mudda laba sannadood gudahood ah,  iyadoo lagu kordhinayo  450 mitir oo ballac ah.

Sida ku xusan qoraalka heshiiska,  shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar.

4- February 2019, waxaa Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O oo ay leedahay DP World, taasi oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

6- April 2019, waxaa dhammaaday mudadii loo qabtay fulinta mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso oo soo bilowday 6- April 2017, iyadoo aysan weli shirkaddu wax shaqo ah ka qaban dhismaha dekeddaas.

15-April- 2019, waxaa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxa DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, waxaana ay isla garteen in si dhaksho ah loo bilaabo ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal wakhtigaas ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

shirkadda P&O ee ay leedahay DP World, oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, ayaan weli hawshii dhismaha bilaabin, iyadoo la marayo sannadka 2020-ka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay sababta loo fulin waayay Heshiiskii DP World? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this