Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarmada Midoobay oo War ka soo saartay Go’aanka Cusub ee uu qaatey M/weynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Deni 

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarmada Midoobay oo War ka soo saartay Go’aanka Cusub ee uu qaatey M/weynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Deni

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa amaantay oo soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku qaatay inuu ku yimaado Magaalada Muqdisho

Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay xubnaha Dowladda Soomaaliya ka socday ee ka qeybgalay shirka wadatashiga Puntland, kuwaas oo iyagana soo dhaweeyey go,aanka Deni ee ah inuu Muqdisho imaado.

QM ayaa sidoo kale xustay inay ka war sugeyso natiijada kasoo bixi doonto kulanka la filayo inay yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni,

Dhanka kalese Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa si kastaba sheegay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaadhka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dani oo Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January sanadkii 2019,waxaana mudadii ka dambeysay doorashadiisa uusan imaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana jiray khilaaf xoogan oo kala dhexeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Qoraalka rasmiga ah ee UN-ku ka soo saaray…

.@UN in #Somalia commends President Deni’s intention to visit Mogadishu & is pleased Fed. Gov.’s delegation to Puntland Consultative Conference welcomed this. We look forward to the meeting between President Deni & President Farmajo to advance dialogue in the national interests. pic.twitter.com/9v0LBN1vTd

— UNSOM (@UNSomalia) March 21, 2020

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this