Sign in to follow this  
Deeq A.

Booqashada dadka ee xabsiyadda oo la joojiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in la joojiyey booqashadda xabsiyadda muddo laba todobaad ah.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha ciidamada Asluubta, ayaa ku dhawaaqay amarkaas maanta oo Sabti ah.

Taliyaha oo wariyeyaasha la hadlay ayaa tilmaamay in go’aankaas uu daba socdo talaabooyinka ay dowlada kula dagaalameyso Coronavirus.

Dhanka kale, Sareeye Guuto Aadan ayaa dadweynaha faray in ay hogaan-samaan dhamaan amaradda ay soo saareen.

Xabsiyadda waddanka ayaa kamid ah goobaha la sheegay in ay nugul u yihiin caabuqaas dunida ku faafaya, oo xukuumadda ku dedaaleyso ka hor-tagistiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this