Deeq A. Posted March 21, 2020 Ciidamada Milatriga Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka sameeyey deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamadu ay si gaar ah uga fuliyeen hareeraha waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Ilo deegaanka ah oo hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa guud ee isku socodka dadka & gaadiidka. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya jidka u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites