Deeq A. Posted March 21, 2020 Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ay Maanta soo caga dhigatay Diyaaradda Itoobiya Airline. Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ayaa imaanayo saddex maalin kaddib markii ay dhaqan gashay amarkii dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurka Coronavirus. Diyaaradda Itoobiya Airlines ee kasoo dagtay Hargeysa ayaa kasoo duushay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna siday rakaab tiro badan. Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ee Hargeysa ayaa imaanayo kadib markii diyaaradda FlyDubai oo rakaab siday, kana soo duushay Dubai markii ay hawada Soomaaliya soo gashay lagu amray inay dib u laabato oo aanay ka degi karin Hargeysa, kaddib markii qalabka isgaarsiinta ay kala hadashay Hey’adda Saadaasha Hawada. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlay diyaaradda Itoobiya ee ka dagtay Magaalada Hargeysa, inkastoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada ay qoraal ka soo baxay ku sheegtay in muddo labo cisho la fasaxay duulimaadyada caalamiga, si muwaadiniinta ku xaniban caalamka loo soo qaado, labo cisho kaddib la joojiyo duulimaadyada iyo in duulimaad aan aheyn xamuul sida raashin iyo daawo aanay dalka ka soo degi karin mudada 15-ka cisho. Share this post Link to post Share on other sites