Deeq A. Posted March 21, 2020 Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Xafiiskiisa ku qaabbilay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dedaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19. Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites