Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal-Suge Mohammed Binu Salmaan Oo Afduubtay Ina Adeertii Amiirad Basmah Bint Saud

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa lagu warramayaa inuu afduubtay inan ay ilmaadeer yihiin lagu magacaabo Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz, taasi oo la la’aa muddo sannad ah, sida uu weriyey wargeyska ABC ee dalka Spain.

Sida uu qoray wargeyska, koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Basmah ee magaalada Jeddad, xilli ay iyada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland.

Wargeyska ayaa sheegay in Basmah, oo ku caan baxday u ololeynta xuquuqda dumarka iyo is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca boqortooyada, kadib lagu xidhay xabsiga Al-Hayer, oo muddo sanad ah ay ku jirto.

Ilo-wareedyo ku dhow Amiiradda ayaa wargeyska u sheegay in Basmah ay ku jirto qolka 108 B ee xabsiga, loona ogol yahay inay qoyskeeda la xidhiidho hal mar oo kaliya toddobaadkii.

Mohammed-Bin-SALMANBasmah-Bint-Saud-1024

Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato.

Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabbaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla Accoun ku yaalla bankiyada Switzerland.

Wargeyska ABC ayaa intaas ku daray in ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ay u sheegeen in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabbaheed.

Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hayer, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa.

Ilo-wareedyo ku dhow Basmah ayaa sheegay in loo xidhay tuhunno ku saabsan inay qorsheyneysay in ayna soo laaban marka ay tagto Switzerland oo ay ugu socotay arrimo caafimaad, iyada oo ay wehliso gabadh ay dhashay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this