Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobka Gu’ga Oo Ka Curtay Magaalada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Borama)-Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa ka da’ay Roob lagu qabowsaday, kaasi kaw u noqonaya Curashada Roobka gu’ga ee sannadkan.

Roobka oo Dadweynuhu ku farxeen ayaa da’ay Galabnimadii Jimcaha Maanta iyo Fiidnimadii Caawa, sida ay Geeska Afrika u sheegeen Dad ku sugan Magaaladaasi.

Curashada Roobka Gu’ga ee ka bilaabmay Magaalada Boorama ayaa ku soo beegmay xilli Goobo ka mid ah Somaliland laga soo sheegayo biyo yaraan, sida Gobollada bariga Somaliland.

Roobkan ayaa sidoo da’ay xilli ay Dadweynuhu ka cabanayaan kulayl, inkasta oo lagu jiro bisha March oo Cimilada Geeska Afrika isku beddesho kulayl, maaddaama oo Cirku tusan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this