Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan malayshiyaadka Alshabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa laga soo xigtay in  ay qabteen Horjoogihii Ak-shabaab u qaabilsana degaanka Jannaale inkastoo aysan weli magaciisa shaacin Horjoogahaas.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in sarkaalka laga qabtay guri ku yaalla degaanka Jannaale oo uu ku dhuumanayey haatanna lagu hayo saldhig ay ciidamada Militariga Soomaaliya ku leeyihiin Jannaale.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan degaanka Jannaale ka wada hawlgallo xooggan oo ka dhana Al-shabaab kadib markii ay todobaadkii hore la wareegeen Jannaale iyo nawaaxigiisa.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this