Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Warka Subax ee Goobjoog 21-03-2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin

Dowlada federalka Somaliya ayaa shaacisay inay howlgal ka dhacay deegaanka Janaale ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab.

Xukuumadda Soomaliya ayaa farriin u dirtay Ganacstada Somaliyed, si ay qayb uga noqdaan dadaallada looga hortagayo caabuqa CORONA ee dunida ku sii fidaya.

Wasiirkii hore Amniga Koonfur Galabeed Somaliya ayaa bogaadiyay qaabka ay Ciidamada Dowladda dhawaan kula waregeeen Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dowladaha Somaliya ioyo Yemen aya ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskaashiga labada Dal, iyo qodobo kale.

Wafdigii Dawladda Federaalka ee ka qayb galay shirkii wada tashiga Puntland ayaa shir jaraaid ku qabtay Garoowe ayaa kaga hadlay qodobbo muhiim ah oo ku saabsana socdalkooda.

Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana si wadajira u soo jeedinaya Hanad Ali Guled iyo Anfac Aden Abdi

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-21-03-2020-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this