Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyey Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen laba gaari ‘oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo rartay’.

Maalin ayaa tilmaamay in gawaaridaasi ay ahaayeen Xamuul, gaar ahaan nooca Soomaalida u taqaano Yuudhii.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu dhibaateeyo ama waxyeelo lagu gaarsiiyo dadka shacabka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this