Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado gaar loo leeyahay oo ka macaashay cudurka coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarado gaar loo leeyahay oo ka macaashay cudurka coronavirus

Private jets appear to be benefiting from travel challenges posed by the pandemicDiyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa u muuqanaya inay ka faa’iidayaan caqabadaha socdaalka ee uu keenay cudurka coronavirus

Shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee waddanka Nigeria ayaa waxa ay BBCda u sheegeen in labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay la soo gudboonaatay sare u kac dhinaca kirada diyaaradaha ah.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalalka caalamka ay soo rogayaan xaddidaado dhinaca socdaalka ah si wax looga qabto faafidda cudurka coronavirus.

Laga bilaabo Sabtidii la soo dhaafay dadka ku sugan 13-ka dal ee uu cudurka coronavirus sida wayn u saameeyay ayaa waxaan loo ogolayn inay soo galaan waddanka Nigeria.

Ururka ExecuJet oo ah dalad ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Nigeria, ayaa waxa uu sheegay in kiraynta diyaaradaha galaya safarrada caalamiga ah ay laba laabmeen labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Ururku waxa uu sheegay in howlwadeennadiisa ay iskudayayaan inay raacaan tallaabooyinka badqabka ee ay dhigeen saraakiisha caafimaadka ee dalka.

Madaxa howlgallada ee ururka ExecuJet, Victor Mbachi, ayaa sheegay in inta badan diyaaradahaas ay kiraystaan dad u dhashay waddanka Nigeria oo iskudayaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale waxaa jiro buu yiri dad ku sugan gudaha Nigeria oo ajaanib ah oo iskudyaya inay diyaaradaha ay kiraystaan dalka uga baxaan.

lounge area of private jetGudaha mid ka mid ah diyaaradaha gaarka loo leeyahay

Xaaladdaas oo kale ayey wajahaysaa shirkadda diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Stargate Jets ee uu fadhigeedu yahay magaalada Lagos taas oo duulimaadyadeedu ay tagaan gudaha iyo dibadda Nigeria.

Qof matalayay shirkaddaas ayaa BBCda u sheegay in shirkaddu ay sidoo kale aragtay “sare u kac aan caadi ahayn oo dhinaca kiraysiga diyaaradaha ah”.

Todobaadka caadiga ah shirkaddu waxa ay heshaa dalab kiro oo u dhaxeeya hal ama laba, hasayeeshee labadii todobaad ee ugu dambeeyay, shirkaddu waxaa soo gaarayay dalabaad kiro oo u dhaxeeyay 10 ilaa 12.

Dadka dalka ku soo galaya diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa mara baaritaanka qasabka ah ee la marsiiyo rakaabka soo galaya waddanka Nigeria

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this