Deeq A. Posted March 20, 2020 Kismaayo (SMN) – Degaano ka tirsan maamul goboleedka Jubaland waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan. Howlgalada ayaa waxaa la sheegay in ay ka socdan degaanada ay gacanta ku hayaan dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Taliska guud ee Ciidamada Jubaland ayaa shaaciyey in ay doonayaan in ay dib ula wareegaan gacan ku haynta degaanada. Saraakiisha ayaa dadweynaha waydiistay in ay garab ku siiyaan siddii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degaanada ka maqan. Jubaland ayaa kamid degaanada dhaca koonfurta Soomaaliya ee gobolada hoostaga ay ku xoogan tahay xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites