Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul goboleedka Puntland oo hakiyey shirarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu muddo maalmo ah hakiyey shirarka caadiga ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa go’aankaas ku dhawaaqay kadib shirka golaha wasiiradda maamulkaas.

Deni ayaa sheegay in go’aankaan uu la xiriiro ka hortagga caabuqa Coronavirus, kaasoo fara kulul ku haya caalamka.

Dhanka kale, Deni ayaa shaaciyey in laamaha ammaanka maamulkaas looga baahan yahay dhaqan-gelinta amarada.

Goobaha waxbarashadda ayuu sheegay in ay fasax yihiin, isla markaana ardaydu ay ka war-sugaan mas’uuliyiinta.

Ugu dambeyntii, hogaamiyaha maamulka Garowe ayaa tilmaamay in uu dhowaan socdaal ku imaan dono magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this