Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahin: Dagaal ka dhacay nawaaxiga Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska hor-imaadka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay Buula Carundi, 3 KM dhinaca waqooyi u jirta Janaale.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen saddex kamid ahaa Al-Shabaab, oo aan wali ka hadlin dagaalka.

Dagaalkaan ayaa wuxuu imaanaya xili ciidamadda xoogga ay howlgalo ka wadaan nawaaxiga Janaale oo todobaadkan ay la wareegeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this