Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo gurmad u diray waddanka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa gurmad caafimaad u dirtay waddanka Mareykanka oo haatan kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay xanuunka corona.

Gargaarkaas ayaa ah qalabka lagu baaro xanuunka corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.

Gurmadka ayaa ka dambeeyay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baaraan 10 kun ilaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baareen dad ka badan 10 kun.

Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka, waxaana ugu daran dalka Talyaaniga oo dad badan ay ugu dhinteen.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo gurmad u diray waddanka Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this