Deeq A. Posted March 20, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Yemen ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik. Waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga si la mid ah arrimo siyaasadeed iyo nabadgelyo oo labada dal ee walaalaha muhiimad u leh, waxa kale oo ay isla faaqideen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee labada dal ay danaynayaan. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadan Dagaal. View the full article Share this post Link to post Share on other sites