Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DFS oo howlgalo kawada Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay bilaabeen inay ka baxaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay siddii ay u qabsan lahaayeen gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka ayaa nawaaxiga degmooyinkaas ka bilaabay howlgalo ka dhan ah Alshabaab, kuwaasi oo inta badan haatan faarujiyay degmoyinkaasi, sidda ay sheegeen saraakiisha ciidamadda.

Taliyaha ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee ka baxay degmooyinkaas ay gaareen gobolka Jubada dhexe, ayna uga daba tagi doonaan.

Ciidanka xoogga dalka oo la tilmaamay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ayaa dhowaan gacanta ku dhigay degaanka Janaale oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka Shabeellaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this