Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir oo ka shiray Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hor-tagga xanuunka Covid 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay Dardar galinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir.

Shirkaan ayaa gabagabadiisa waxaa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

85141810_2527137977524946_70456738780429 90043545_2527137714191639_47565760357833 90121291_2527144067524337_42274482883930 90308335_2527144290857648_96249114155758 90333957_2527144204190990_31028225652031 SAX-COVER-AAAA-300x291.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this