Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hor-tagga xanuunka Covid 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay Dardar galinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this